Sitemap

International

Del med andre Print

Baadhitaanka kansarka ilmogaleenka

Markaad gaadho 23, ilaa inta aad ka gaadhayso 65 jir, waxa lagaa baadhayaa kansarka ilmogaleenka. Waa baadhitaan lagu sameeyo unugyo tijaabo ahaan looga soo qaado ilmogalenka. Baadhitaanku waa bilaash.

Dhakhtarka wac oo ballan samayso
Xaashida laguugu yeedhayo ayaa ku imanaysaa boosta, adiga ayaana wacaya dhakhtarka, oo ka samaynsanaya ballan.

Dhakhtarka
Dhakhtarku wuxu ilmogaleenka ka soo qaadaa unugyo la baadho, waxa kaloo uu baadhaa moxogga – taas oo sidoo kale lagu magacaabo baadhitaanka dhakhtarka dumarka.

Unugyada waxa lagu baadhaa wayneeye (mikroskop), jawaabta baadhitaankana waxa la helaa ilaa 10 cisho ka dib. Sida caadiga ah waa inaad adigu wacdo dhakhtarka, si aad u ogaato jawaabta baadhitaanka. Meelaha qaarkood toos ayaad jawaabta u helaysaa.

Maxaa ka muuqda unugyada la baadho?
Badi dumarku waxay leeyihiin unugyo caadi ah. Kuwaas waxa loo sameeyaa ballan kale. Dumarka qaarkood ayuu unugyada ku dhacaa isbeddel yari – dumarkaas waxa kantaroola dhakhtarka.
Dumarka qaarkood ayuu unugyada ku dhacaa isbeddel wayni. Markaas waa la qalaa unugyada uu ku dhacay isbeddelka wayni. Waxa lagu sameeyaa qaalliin yar oo la yidhaahdo dhululubo (keglesnit).

Tallaalka iyo fayrasta HPV
Kansarka ilmogaleenka waxa keenta fayrasta HPV (Human Papillomavirus). Fayrasta HPV waxay horseedi kartaa isbeddelka unugyada, oo keena kansarka ilmogaleenka.

Danmark, hablaha 12 jirka ah waxa bilaash lagaga tallaalaa kansarka ilmogaleenka (ilaa ay ka noqonayaan 15 jir). Hablaha dhashay ka hor 1996, iyaga ayaa iska bixinaya qarashka tallaalka. Tallaalku wuxu ka hor tagaa fayrasta HPV, sidaas awgeed wuxu hakiyaa isbeddelka unugyada iyo kansarka ilmogaleenka.

In 2013 the HPV-vaccination is free of charge for women born in the years 1985-1992.

Download the brochure: "Ka hortegista kansarka dhuunta ilmogaleenka" (pdf, 893 kb) 

Go back  



For further information, please contact:
Ann-Britt Kvernrød, abk@cancer.dk

Sidst ændret: 05-02-2013



Danish Cancer Society

Strandboulevarden 49
DK-2100 København Ø
Denmark

Phone: +45 3525 7500
Email: info@cancer.dk

Danish Cancer Helpline

Phone: 8030 1030

Weekdays: 9.00-21.00
Sat - sun. 12.00-17.00